Ex-dhallinyaro

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa iyagu ah kuwo ahmiyad siiya si ay u ilaaliyaan horumarka naftooda,dadkooda, dalkooda iyo diintooda,hadana waxaa jirata in aysan isku mid ahayn dhalinyaradii hore iyo tan manta.

Dhalin yaradii hore  waxay ahayd kuwo aalaaba jecel horumarka iyo degenaashaha dalkooda,iyadoo ay arintaa jirto ayaa sanadkii 1889 kii markii uu gumeystaha sooga lay dalkeyna waxaa bilaawdey in ay dhalinyaro badan ay u istaageen sidii ay uga difaaci lahaayeen dalkooda Gummaystaha.

Dhaliyaradii u soo istaagtaey inay difaacaan wadankooda, waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariisyee: Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan,Xaawo Taako iyo dhalin yario kale oo fara badneydn, iyagoo dagaal farabadan lagelayey.

Dhalinyaradii hore waxaa ka mid ahaa 13kii nin ee SYL,iyadoo ay dhalinyaradii SYL noqdeen dhalin yaradii ugu horreysa ee xoreysa dalka Soomaaliyeed, iyadoo midkooda ugu yar uu ahaa 16 sano  jir midkooda ugu weyna uu haa 33 sano jir.

Manta oo ay dhalinyara Soomaaliyeed umuuqdaan kuwo baadi goobaya sidii ay usameyn lahaayeen is dhexgal balaaran, ayaa hadana waxaa jirtey in dhaliyaradii ay ku soo baxeen kuwo lid ku ah wada shqeyntooda, doonayane iney baabi`iyaan dalka Soomaaliyeed waasida hadalkaloo dhiganye.

Kadib burbur kii 20kii sanoo ee ugu dambeeysey waxaa dhacdaey in dhalinyaro badan ay dalka dib ug soo laabatey si ay wax uga bedelaan burbur kii kudhacay dalkooda, waxaa  sidoo kale maanyta jirta in dhalinyartu ay sameynayaa dhoola tus dhan walbaa.

Nin da`diisu ku sheega 63 sano  ooka mid ah dhalin yaradii hore wax badn Soo halgamay magaciisana ka gab sadey in lasoo xigto ayaa waxa uu sheegey in uu farqi weyn udhaxeey, waayo ayuu yiri  waxaa dhalinyarada hadda jirta heerkaan soogaarsiiyey waa dhalin yartii hore.

Ugu dambeyntiina waxa uu iisheegay in dhalinyartu ay yihiin kuwii iyagu wax kala hagi lahaa ayna ku daysadaan dhalinyadii iyagu ka horreysay, waxaa kale uu sheega  in dhaliny7arada la`aanteed uu san dalku wax noqonkarin.

Waxaa qoray:
Maxamed Jabriil Maxamuud
(Maxamed Jaceeloow)
Email: m.nor96@hotmail.com