Cutubyo ka tirsan Milateriga Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay ka soo gudbayay xuduudaha ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay guluf xoogan ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Meelaha dhaq dhaqaaqyada milateri ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud oo kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ay gudaha u soo galeen maalmihii u dambeeyay.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan ku biiray howl galka AMISOM markii u horeysay, iyagoo horay aanay ka mid aheyn howl galka AMISOM, balse iskood isaga soo galay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Baabuurta ciidamada Itoobiya ayaa durba lagu asteeyay calaamada Midowga afrika ee AU, taasoo ka turjumeysa inay howl galka AMISOM ka mid yihiin.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhamaadkii sanadkii 2006-dii soo galay Koofurta Soomaaliya, iyagoo xilligaas xukunka ka tuuray Maxkamadihii Islaamiga, waxaase la xusuustaa dhibaatooyinkii ay ka geysteen Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxaana ay horaantii sanadkii 2009-kii isaga baxeen Soomaaliya.
DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA Itoobiya (6) Itoobiya (7) Itoobiya (8) Itoobiya (9) Itoobiya (10) Itoobiya (11) Itoobiya (12) Itoobiya (13) Itoobiya (14) Itoobiya (15)