Markab dagaal oo lagu arkay xeebaha Baraawe iyo cabsi ka jirta degmada

markab dagaal

Wararka aanu ka haleyno magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in markab dagaal uu si aad ah ugu soo dhawaaday magaalada Baraawe oo ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab.

Markabka ayaa la sheegay in uu yahay nooca dagaalka,dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa rasaas ku furay markabkaasi.

Dadka deganka ayaa sheegaya in rasaastaasi kadib uu markab laba gantaal uu uga soo jawabaay kuwaasi oo aan weli la ogeyn qasaraha rasmiga ah ee geesatay.

Al-shabaab ma aysan ka hadal markabkaasi kusoo dhawaaday xeebta magaalada Baraawe, balse dadka falanqeeya arimaha Somalia ayaa sheegaya in dowlada Somalia iyo AMISOM ay hada hegan ugu jiraan sidii ay u weerari lahayen magaaladaasi reer galbeedkana ay dhanka circa iyo bada ka taagerayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*