Buuraha_Galgala

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal fool ka fool ah uu dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gantaalaha garabka laga tuuro, iyadoo haatan la sheegayo in dagaalkaasi uu geystay qasaarooyin kala duwan.

Dagaalka oo ka dhacay meel 30Km uga beegan magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa in labada dhinac aanay waxba iskula harin, iyadoo dagaalka uu ku sii fiday saldhigyo ururka Al-Shabaab uu ku leeyahay buuraha Galgala.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab waan idiin soo gudbineynaa.