C.WGaas

Xaflad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal, halkaasi oo ay ku sii qul qulayaan wafuud kala duwan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka kala socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, madax ka socota dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, maamulgoboleedyada dalka ka jira, ururada bulshada  iyo marti sharaf kale oo kulankaasi lagu casuumay.

Xafladda waxaa lagu wadaa inay socoto ilaa caawa oo ay ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada Puntland, iyadoo halkaasi ay qudbado kala duwan ka soo jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolkaasi.