xukun_dil_ah

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah Kuriday gacan kudhiigle Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo magaalada Muqdisho dil ugu geystay ALLAHA u naxariisteee Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo katirsanaa Idaacada Maanta ee magaalada Muqdisho.

 

Kadib markii loo fariistay dhageysiga dacwado loo haystay Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen iyo Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lagu soo eedeeyay in ay dileen Wariye Xasan Yuusuf  Absuge oo 21 bishii Septerber lagu dilay magaalada Muqdisho.

 

C/llaahi Maxamed Muuse “keyse” oo ka tirsan garsooreyaasha maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga dacwadaha loo haystay labadan wiil uu ahaa dil ay u geysteen Wariye Xasan Yuusuf Absuge.

 

waxa uuna sheegay in dilka Wariyaha lagu helay Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen kadib markii la helay mirqaatiyaal dambigii uu galay laguna xukumay dil.

 

Sidoo kale garsooraha ayaa ku amray in xabsiga laga sii daayo Cabdi Xasan Dhuxuloow  oo isagane loo haystay in uu ka qeyb qaatay dilka Wariyaha balse lagu waayay wax cadeen ah oo la xiriirta dambigaas.

 

Ninkan maanta lagu xakumay dilka ayaa waxa uu dil u geystay 21 bishii September 2012 ALLAHA u naxariista Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo ka tirsanaa Idaacada Maanta ee ku taala magaalada Muqdisho, waana dilkii ugu horeeyay ee lagu fuliyo gacan ku dhiigle dil u geystay Wariye.