Soomaalida oo qasaarihii ugu weynaa ka soo gaaray dagaalka K/Suudaan

diinaari
Waxaa sii kordhaya qasaaraha dadka Soomaalida ah ka soo gaaraya dagaalka ka socda K/Suudaan, iyadoo hantida uga maqan Soomaalida dagaaladaasi ay haatan kor u sii dhaafeyso in ka badan 2-Milyan Dollar marka la qiimeeyay lacagta cadaanka ah, kharajka ganacsiga kala duwan ee Soomaalida ay ka ganacsato.

Sidoo kale ciidamada Dowladda K/Suudaan ayaa xoog kula wareegay gaadiid tiradiisu ka badan tahay ilaa 30-baabuur oo isugu jira gawaarida xamuulka, booyado iyo gaadiidka dadweynaha, iyadoo ciidamada Dowladda K.Suudaan ay ku fushadaan howlahooda gaarka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadkeeda ka soo qaadeysa K/Suudaan ayaa waxaa soo gaaraya cabashooyin la xariira Soomaalida dalkaasi ku nool, kaddib kooxo hubeysan, ciidamada Dowladda iyo dadweyne careysan ay boobeen hantidooda.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka K/Suudaan Ambassador Maxamed Nuur Diinaari oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa madaxda sare ee Dowladda waxa uu hor dhigay dhibaatada Soomaalida ka soo gaartay dagaalada Suudaan iyo bililiqada baahsan ee lagula kacay.

Ambassador Diinaari oo dhowaan dib ugu laabanaya dalka K.Suudaan ayaa sheegay inuu dadaal ballaaran u gelayo sidii loo hakin dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed, isagoona hoosta ka xariiqay in madaxda dalkaasi uu ka dalbanayo inay magdhaw ka bixiso qasaaraha Soomaalida ka soo gaaray dagaalada dalkaasi ka dhacaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*