Ururka SDP: “Dagaalka Sh/hoose waan in la joojiyaa, waayo wuxuu fursad siinayaa inta nabadda diidan”

mu

Ururka Somali Democratic Party (SDP) ayaa warcad ka soo saaray dagaalada beeleed ee soo noqnoqday degmooyin ka tirsan gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan, wuxuuna ururku tacsi u diray dhammaanba dadkii waxyeelada ka soo gaartay dagaaladaasi sokeeye.

Qoraalka ka soo baxay ururka SDP ayaa looga dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha soo noq noqday, isagoona ugu baaqay beelaha dagaalamaya inay qaataan nabadda iyo wadahadalka.

“Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya colaadaha oo sii hurinaya iyagoo ujeedadoodu tahay inay wiiqaan horumarka dalka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay ururka oo dhinaca kale tilmaamay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin inay sii socdaan.

Warka ka soo baxay ururka SDP ayaa lagu xusay in waxgaradka iyo odayaasha beelaha ku dagaalamaya saddexda gobol ay u istaagaan sidii degdeg loogu joojin lahaa colaadaha, isla markaana ay uga wadahadli lahaayeen dhibaarootinkii dhaliyay dagaalada si nabadda loogu soo dabaalo beelaha walaalaha ah.

“Dagaalka Sh/hoose waan in la joojiyaa, waayo wuxuu fursad siinayaa inta nabadda diidan” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay ururka Somali Democratic Party.

Ugu dambeyntii ururka SDP ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka inay tallaabo cad ka qaado qas-wadayaasha ka dambeeya dagaalada beelaha ee ka socda gobolada dalka, kuwaasi oo had iyo goor ku howlan inay ku dhaqaaqaan falal lidi ku ah nabadda iyo ammaanka guud ee gobolada dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ururku ka codsaday inay u midoobaan sidii ay cadowgooda uga hor tegi lahaayeen, isla markaana si wadajir ah meel uga soo jeestaan kuwa nacabka ku ah horumarkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*