Warbixin: Dadka ku shaqeeya farsamada gacanta oo faquuq xoog leh kala kulma bulshada

|

Beledweyne, Somalia (Radio Maanta) Si u mareeyo nolol maalmeedka qoyskiisa Nuux Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Baladweyne wuxuu bartay xirfadda farsamada gacanta 7 sano ka hor balse inta badan bulshada ayuu kala kulmaa

faquuq ku saabsan shaqadiisa.

Nuux Maxamuud oo kaga shaqeysta farsamada gacanta magaalada Beledweyne. Sawirka Abdi wahid mohamed Aadan

Dadka ku shaqeysta xirfadda farsamada gacanta oo inta badan soo saara agab kala duwan oo ay ka mid yihiin Burjikooyinka, girgiraha, yaanbooyin, iyo faashashka ayaa la kulma faquuq ku saabsan shaqada ay hayaan darteed.

Nuux Maxamuud oo kaga shaqeysta farsamada gacanta magaalada Beledweyne. Sawirka Abdi wahid mohamed Aadan

Nuux Maxamuud ayaa sheegay in xirfaddan uu ku jiro muddo 7 sano ah islamarkana maalin kasta uu ka helo lacag dhan 10 dollar, basle faquuq uu kala kulmo bulshada.

Dadka leh xirfadda farsamada gacanta islamarkana soo saara alaabaha  laga isticmaalo guryaha, ayaa inta badan faquuqa la kulma marka ay timado dhanka guurka iyo shaqooyinka

Wararka La Xiriira