Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, GMLDM wuxuu ku baaqayaa in meel looga soo wada jeesto musuqmaasuqa

|

Muqdisho, Soomaaliya – 09 Diseembar, 2021 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dgaalanka Musuqmaasuqa (GMLDM) ayaa maanta hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in hal meel looga soo wada jeesto musuqmaasuqa taasoo ah ballan-qaad cusub oo lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Xuska maalintan ayaa sidoo kale ku asteysan in Soomaaliya ay ku biirtay dalalka ka tirsan Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa (UNCAC) 11-ka Ogosto ee sanadkan. Waxa kale oo Soomaaliya u aqoonsatay 14-ka Ogosto Maalinta Qaran ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

Musuqmaasuqu waxa uu meesha ka saarayaa kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda. Wuxuuna wiiqayaa heshiisyadii bulshada. Tani waxay sabab u tahay walaac laga qabo dhinac kasta, gaar ahaan wadamada nugul sida Soomaaliya oo kale. GMLDM wuxuu aaminsan yahay in wax ka qabashada musuqmaasuqa ay muhiim u tahay in la gaaro horumar iyo isbeddel waara oo ka dhaca Soomaaliya.

“Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu rumeysan yahay in musuqmaasuqu ku yimaado qaabab kala duwan, wuxuuna u baahan yahay xeelado kala duwan si wax looga qabto. Tani waxay sidoo kale u baahan tahay dadaal midaysan oo go’aansan si looga gudbo danaha gaarka ah. Sidaa darteed waxaan mar kale ku celineynaa sida adag ee ay nooga go’an tahay in aan la dagaalanno oo aan joojinno musuqmaasuqa oo ah khatar qaran,” ayuu yiri Dr. Maxamed Xuseen Xaamud, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa oo ka hadlayey munaasabadda maanta.

Dr. Xaamud ayaa uga digay shaqsiyaadka – si guud iyo si gaar ahba – inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq iyo xatooyo hanti dadweyne. “Waxaa la gaaray waqtigii isla xisaabtanka. Qofna sharciga kama sarreeyo. Waxaan bilaabi doonnaa baaritaan dhowaan. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa kooxaha bulshada rayidka ah inay taageeraan dadaallada aan kaga hortagayno musuqmaasuqa, hagaajinta hababka wax looga qabanayo marka ay dhacayaan falalka musuqa ah,” ayuu sii raaciyay Dr. Xaamud.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Gama’diid ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay la shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa.

“Wasaaradda Cadaaladdu waxay aad ugu faraxsan tahay inay aragto Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa oo si hufan u gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan waaxyaha dowladda inay ku gacansiiyaan Guddiga gudashada shaqadiisa,” ayuu sii raaciyay Wasiirka hadalkiisa.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Dr. Maxamed Cabdillaahi Ciise ayaa adkeeyay in musuqmaasuqa lagu suulin karo oo keliya marka la baaro dadka musuqmaasuqa ku kaca oo sharciga la horkeeno, iyada oo aan loo eegin awoodaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin. Wuxuu sidoo kale ku dhiirigaliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa inuu guto waajibaadkiisa.

Guddiga wuxuu kaloo soo bandhigay istaraatiijiyadda saddexda sano ee la-dagaalanka musuqmaasuqa taas oo ahmiyad siineysa wacyigelinta iyo waxbarashada dadweynaha guud si loo dhiso dhaqanka ka hortagga musuqmaasuqa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, garyaqaano, odayaal dhaqameed, culimo, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo warbaahinta ayaa ka qeybgalay munaasabadda.

Maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sanad walba la xusaa, 9-ka December, tan iyo markii la ansixiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Hortagga Musuqmaasuqa 31kii Oktoobar 2003 si bulshada loogu wacyigaliyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wararka La Xiriira