Khilaafka u dhaxeeya X.S.K. iyo GOS oo sii xoogeysanaya

01-3

War Saxaafadeed kasoo baxay Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta ayaa lagu canbaareeyey sheegashadii Gudiga Olompikada Soomaaliyeed ee ahayd kormeerid ay ku sameeyeen doorashao lasheegay ineey kadhacaday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose taas oo algu doortay Xiriirka Kubadda Cagta Gobolkaas.

Xogahayaha X.S. K.C. C/qani Saciid Carab oo kusaxiixnaa warsaxaafadeedka ayaa kadalbaday Duraan Axmed Faarax oo tegay Kismaayo inuu raali garayn buuxda kabixiyo kuxadgudub shaqo uusan lahayn oo uu sheegtay sida lagu qoray war saxaafadeedka warbaahinta loo qaybiyey C/qani ayaa yiri shaqo kuma laha waana xadgudub in gudiga Olopikadu tagaan meel lagu dhisayo Xiriir Kubad Cag waxaanan kismaayo u diray kaaliyaha Xogyaha Xiriirka Xasan fareey warbixibtiissina waan taageernay marka waa xad gudub tegistii duraan ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Dhanka kale Xoghayaha G. O. S Duraan Axmed Faarax ayaa jawaab kabixiyey hadalka C.qani Saciid wuxuuna ku tilmaamay nasiib daro in mas uul uu sidaa u hadalo Xiriirka kubadda cagtu wuxuu hoos yimaada Gudiga Olompikada Soomaaliya waana waajib inuu Goob jog ah ka ahaado meel walba oo ay kasocotto horumarin Sporti marka waa inuu shaqadiisa aqoonsadaa ayuu hadalkiisa kusii daray Xoghaye Duraan oo sidoo kalana sheegay ineey sii wadi doonaan tegista Gobolada dalka cidnana ay fasax kaga qaadanayn.

Mar aan wax kawaydiiyey inuu bixinayo raali gelinta laga dalbaday ayuu iigu jawaabay isagoo qoslaya waxaa raali gelin laga rabaa cidda hadalada afla gaadad ah Saxaafadda u qaybisey waxaanan filayaa ayuu yiri in hadalkaasi uu yahay mid aan laga fiirsan ayna qoreen dad meelkale kaxanaaqsan marka waan laxisaabtami doonaa Xiriir walba oo aan aqoonsanayn awoodda G .O. S ayuu hadalkiisa kusoo geba gabeeyey Xoghaye Duraan Axmed oo caro kamuuqatay xiligii aan waraysanayey.

Waa markii ugu horeysey ee sicad uu u soo ifabaxo qilaafka labadan hay adood inkastoo beryaahaan aan kawar hayney in uu qilaaf jiro haddana labada dhinacba si isku mid ah ayey u beenin jireen waxayna diideen inay Saxaafadda kala hadlaan arrimahaas qilaafkan ayaan la ogayn waxa uu kusoo kordhin doono arrimaha markii horeba murugsanaa ee Cayaaraha Soomaaliya waxaana loobaahnaan doonaa in la eego Sharciyan sida ay u wada shaqeeyaan iyo awoodda qolada leh.

WQ Caydiid C/Raxmaan Aadan
caydiidmilan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*