Maraykanka iyo Afghanistan oo isku fahmi la’ qorshaha amaanka

Maraykanka ayaa weydiisanaya madaxda dawlada Afghanistan inay saxiixdo hishiiska iskaashiga amaanka aayaha dalka Afghanistan inkastoo ay dawlada Afghanistan ay ka dhago adeygayso hishiiskaan.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka haweeneyda la yiraahdo Jen Psaki ayaa ka sheegtay magaalada Washington inay weydiisteen m/weynaha wadanka Afghanistan Xamid Karsai inuu saxiixo hishiiska ay labadsa dawladood iskaga kaashanayaan amaanka kaasi oo dhaqan galaya marka ciidamada Maraykanku ka baxaan Afghanistan sanadka dambe ee 2014.

M/weynaha Afghanistan Xamid Karsai oo ka hadlay kulanka odoyaasha dhaqanka dalkaasi uga socda magaalada Kabul ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ka fikirayso saxiixa hishiiskaan waxaana uu intaa ku daray in xukuumadiisu doonayso in dib loo dhigo.

Sanadka soo socda ee 2014 Maraykanka ayaa ciidamadiisa badankood kala bixi doona waxaana lagu wadaa in wadankaasi ay ku haraan 15,000 oo askari oo dawlada caawin doona haddii hishiiskaan la saxiixo.

Dad ku waxyeeloobay suuq ku dumay caasimada wadanka Latvia Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale oo intaa ka badana waa ay ku dhaawacantan kadib markii uu dumay suuq laga adeegto oo ku yaala caasimada wadanka Latvia ee Riga.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa wada u gurmashada dad badan oo ku hoos jira bur burka dhismaha waxaana dadka geeriyooday ku jira qaar ka mid ah shaqaalaha gurmadka.

Warar laga helayo goobvaha caafimaadka ayaa ku waramaya in dadka ku dhaawacmay mashaqadaan ay gaarayaan 35 ruux.

Telefishinada dalkaasi ayaa laga daawaday kooxaha gurmadka oo dad kasoo saaraya qeybo ka mid ah dhismaha.

Lama oga waxa sababay in dhismaha suuqaas oo aad u mashquulsanaa uu bur buro.

_71269113_71269112 _71271094_020081222reut _71271096_020081770afp Afghanistan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*