Xukuumada Somaliland oo xabsiga dhigtay abwaan tiriyay gabay lagu taageerayo weerarkii Westgate

Abwaan_Cabdiwaaxid

Abwaan C/Waaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaanada da’da yar ee Somaliland ayaa maxkamad ku taala magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay muddo hal sano ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu tiriyay gabay lagu taageerayay weerarkii suuqa ganacsiga ee magaalada Nairobi wadanka Kenya ka dhacay laba kahor.

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa waxay kaloo ku eedeysay abwaan Gamadiid inuu heystay bastoolad sharci darro, iyadoona xukunka maxkamadda uu dhacay kaddib in muddo ah oo uu xabsiga ku xirnaa.

Garyaqaan Xuseen Shabeel C/llaahi oo ah Abuukaataha u doodaya abwaanka ayaa sheegay in xukunkaasi uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana abwaanka bastooladda uu u heysto sharci, xukunka maxkamadana uu yahay mid aan sharci ahayn.

Waxaa kale oo Garyaqaan Shabeel uu sheegay in eedeynta kale ee ku saabsan inuu tiriyay gabay lagu baraarujinayo shacabka Somaliland ay tahay mid aan waxba ka jirin haba yaraatee, waayo buu yiri “Gabayga wuxuu ku saabsanaa arrimo fara badan”.

Dhinaca kale Dowladda Somaliland ayaa xukunkii labaad ku soo rogtay shaqsigii labaad ee isagu taageera weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate uu ku qaaday ururka Al-Shabaab, kaasi oo gilgilay dhammaanba Dowladaha iyo maamulada ka jira dalalka geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*