Xildhibaan Cumar Islow oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Xil.Cumar Islow1

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ku geeryooday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday xanuun maalmahaan hayay, iyadoo uu ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee bartamaha magaalada Nairobi.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Islow oo isagu horay uga tirsanaa Golihii Baarlamaanka KMG ah isla markaana markii dalka uu ka dhacay isbedel hadana ka mid noqday Baarlamaanka Xukuumadda Federaalka ee dalka ka dhalatay.

Xildhibaan Cumar Islow ayaa horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan, isagoona dhinaca sharciga iyo hay’adaha garsoorka u badnaa, soona qabtay xilal fara badan xukuumadihii dalka soo maray.

Dhinaca kale meydka Xildhibaan Cumar Islow oo la filayo in laga soo duuliyo magaalada Nairobi isla markaana la keeno magaalada Muqdisho, halkaasi oo aas Qaran loogu sameynayo.

Xildhibaan Cumar  Islow Maxamed  ayaa Xalay ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan  magaalada Nairobi ee  xarunta dalka Kenya  oo waayihii ugu danbeeyay uu ku xanuunsanayay isbitaalka uu ku geeriyooday,  iyadoo la filayo in magaalada Muqdisho la keeno meydka marxuumka  si  aas Qaran loogu sameyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*