Dagaal ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Shabaab ku dhex maray Ceelasha Biyaha

Ciidamada_Dowladda_AMisom
Degaan lagu magacaabo Arbacow oo duleedka uga beegan degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya Ceelasha Biyaha, dagaalka ayaa bilowday kaddib markii maleeshiyada Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen degaanadaasi.

Dagaalka oo socday muddo ku dhow saacad ayaa la sheegayaa in maleeshiyada weerarka soo qaaday ee ururka Al-Shabaab uu ka soo gaaray qasaarooyin kala duwan, iyagoo ku kala firxaday howdka ku yaala degaanadaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalka ciidamada Dowladda uu ka soo gaaray ilaa saddex askari oo dhaawac ah, halka maleeshiyaadka Shabaabka looga dilay in ka badan afar dagaalyahan, loogana dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Dhinaca kale dagaalka ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ayaa dhinaca Shabaab waxaa looga qabsaday hub iyo gaadiid, iyadoo ilaa saddex ka mid ahna la qabtay iyagoo dhaawac ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*