Munaasabad lagu taageerayay guusha kooxda deg. C/Casiis ee tartankii K/Koleyga Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay + Sawirro

Munaasabad lagu taageerayay guushii Kooxda K/Koleyga Degmada C/Casiis ay ka soo hoysay tartankii kooxaha K/Koleyga Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madax ka tirsan GOS, Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya, ciyaatooy, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Degmada C/Casiis Mudane C/llaahi Xasan Xuseen (Fanax), Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya Md. Ibraahim Xuseen Roombe, Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo xubno kale ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda lagu taageerayay guusha ay soo hooyeen kooxda K/Koleyga Degmada C/Casiis, Dayib Maxamuud Sheekh, C/Qani C/llaahi Jenyo oo ka mid ahaa qabanqaabiyeyaasha tartanka,  iyadoo halkaasi ay ka jeediyeen khudbado kala duwan oo dhinacyo badan taabaneysay.

C/Qani C/llaahi Jenyo (C/Qani Jeenyo) ayaa munaasabadda oo qado sharaf ahayd waxa uu ka jeediyay khudbadda furitaanka, wuxuuna ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen xilligii uu socday tartanka, wuxuuna sheegay inay guul tahay in tartanka uu ku soo gabagaboobo si guul ah.

“Waxaan u mahad celinayaa Guddoomiyaha Deg. C/Casiis Md. Fanax, Dhammaan xiriirada K/Koleyga ee heer degmo iyo heer qaran, iyo dhammaanba xubnihii ka qeyb qaatay tartanka K/Koleyga degmooyinka G/Banaadir” ayuu yiri C/Qani oo ugu hambalyeey K/Koleyga Degmada C/Casiis guusha ay ka gaareen tartankaasi.
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya Md. Ibraahim Xuseen Roombe ayaa isaguna sheegay in tartamada degmooyinka G/Banaadir ay yihiin kuwo sare loogu qaadayo tayada ciyaartoyda kooxaha K/Koleyga ee dalka ka dhisan, isagoona sheegay in guusha ay ka soo hoysay kooxda Deg.C/Casiis ay muujineyso ciyaar wanaagga iyo firfircoonida ay la yimaadeen.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Roombe inuu ugu hambalyeynayo guusha ay ka soo hoysay ooxda Deg. C/Casiis tartamadii degmooyinka ee ciyaaraha K/Koleyga, wuxuuna ku booriyay mas’uuliyiinta Xiriirka K/Koleyga Deg. C/Casiis inay kordhiyaan dadaalkooda.

Guddoomiyaha Degmada C/Casiis Mudane C/llaahi Xasan Xuseen (Fanax) oo halkaasi ka jeediyay khudbad gaaban waxa uu sheegay in guusha ay soo kooxda K/Koleyga ay ku timid dadaal iyo taageero ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmada C/Casiis iyo maamulka degmadaba, wuxuuna xusay in degmadiidu tahay xarunta Isboortiga dalka isla markaana ay ku yaalaan garoomada ugu badan ee ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir.

“Guusha ay soo hooyseen kooxda K/Koleyga deg. C/Casiis waxay ku timid taageero iyo dadaal ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka degmada” ayuu yiri Guddoomiye Fanax oo u mahad celiyay ruug cadaaga K/Koleyga C/Qani Jenyo oo uu sheegay inuu gacan ka geystay qabanqaabada munaasabadda taageerada ah.

Guddoomiyaha deg. C/Casiis Mudane C/llaahi Xasan Xuseen (Fanax) ayaa sheegay inuu si gaar ah ugu hambalyeynayo kooxda K/Koleyga degmada C/Casiis, wuxuuna caddeeyay in tallaabadani ay bilow fiican u tahay in kooxdu ka mid noqoto kooxaha heerka Qaran ee dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa madaxda ka soo qeyb gashay xafladda qada sharafta ee lagu taageerayo guusha K/Koleyga deg. C/Casiis ay ka gaareen tartanki degmooyinka G/Banaadir ayaa u mahad celiyay dhammaanba dadka ka soo qeyb galay, wuxuuna tilmaamay in tartamada noocaan ahi ay ka qeyb qaadanayaan nabadda iyo is dhex galkabulshada.

“Haddii Al-Shabaab ay u taagan yihiin colaad, qarax iyo burbur idinkana waa inaad kor u qaadaan tartamada Isboortiga oo derbi adag u noqonaya nabadda” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Jabriil oo ugu dambeyntii uga mahad celiyay Guddoomiyaha degmada C/casiis, shacabka iyo maamulka degmada guusha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen.
DSC07221

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*