Faallo

Shaqsi markii labaad noqday Wasiir oo durba ku fashilmay waxqabadkii laga sugaayay!!

  Ma ahayn wax ay shacabka Soomaaliyeed soo dhoweeyeen in Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisal Wasaare Saacid oo u ololeynayay in la rido xukuumadooda ay hadan ka mid noqdaan xukuumadda Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed Maxamuud, iyadoo la ogaa waqtigii dheeraa ee ay qaadatay soo magacaabista Golaha Wasiirada cusub, bacdamaa Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed la marsiin waayay in hal shaqsi oo ...

Read More »

Agaasimayaashii Idaacadaha Danan iyo Haatuf oo Maalintii Sedaxaad ku jira Xabsi ay leedahay Dawladda

Agaasimaihii guud ee  Warbaahinta Danan iyo Agaasimihii Idaacadda Haatuf ayaa weli ku jira gacanta Ciidamada Nabad sugidda Qaranka kuwaasoo illaa iyo iminka aysan caddeyn sababta dhabta ah oo ay ku xiran yihiin. Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare) ayaa illaa iyo iminka aan la ogeyn sababta dhabta ah oo ay u xiran yihiin mana jiraan ...

Read More »

Ra’iisal Wasaare C/Weli awood ma u yeelan doonaa inuu howshiisa si madax bannaan u guto?!! (Warbixin xasaasi ah)

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed oo ku jira bishiisii labaad tan iyo markii uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana Golihiisa Wasiirada uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa waxaa durba ka hor imaanaya caqabado is hor taagay gudashada waajibaadkiisa. Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka soo xiganay ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh ayaa sheegaya ...

Read More »

Maxaa sababay Tabar yarida hay’adaha amniga Dowladda Federaalka?!! (Faallo)

  Tan iyo markii dalka uu galay marxalad isbedel ah kana baxay xilligii KMG-nimada ayna dhalatay dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ka dhalatay, shacabka waxay filayeen in xaaladdu soo hagaageyso isla markaana Dowladda rasmiga ah ee dalka u dhalatay ay wax badan ka qaban doonto dhinacyada amniga, cadaaladda, bulshada, dhaqaalaha iyo wax kasta oo asaas u ah jiritaanka nolosha dadka ...

Read More »

Amisom Ma ka weyn Tahay Sharciga Wadooyinka?!!

Waxay ahayd Baranimadii Maalintii Taaadada 28-kii janaayo 2014,  9:30 daqiiqo, Xili Cadceedu Kulushahay, waxaan markaas ka soo laabtay Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ku yaala Barxaddii Sugunto Liido, halkaas oo laga bixiyo Warqada Aqooniga ee Cadaynayasa inaad Soomaali tahay taas oo aan Muqisho iyo Dalka oo dhan laga bixin tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladii Dhexe ee ...

Read More »

Tarsan Tiir-Dhexaad Lagu Tacadiyey (Faallo)

Magaceyga waa Abuukar Xaaji Goobdoon ,Waxaan Ku Dhashay Muqdishu 1964tii , waxaan warbarashadeydii ,illa Jaamacad aan kaga baxay Lafoole Qeybta Saxaafadda 1988dii ,waxaan kamid ahaa Markii burburka dalka dhacey Dadkii aan  dalka ka bixin. Waxaan garaadsadey oo aan idaacad dhageysi bilaabey dhamaadkii Todobaatameeyadii Xiligaasi  Markaasi xamar Waxaa Duq Magaalo ka ahaa Abuuraas ,tan iyo xiligaas Muqdisho waxaa Soo marey dhowr ...

Read More »

YAA KU HABOON HOGGAANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR?!! (Talo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh)

Shaki kuma jiro Gobolka ay hoos timaado caasimadda Soomaaliya ee Banaadir u baahan yahay maamul waxtar leh iyo hogaan suuban oo marxaladan kala guurka ah la jaanqaadi kara, waxna ka bedeli kara xaalada ammaan, dhaqaale, horumar iyo bulsho ee Muqdisho ku sugan tahay xilligan, tiiyoo maanka lagu hayo in rajo badan iyo yididiilo weyni jirto isla markaana wax badani ay ...

Read More »

Hadda Maxaad iga Helaysaan Beriba Waan lumiye !!

Sidaan ognahayba laga soo bilaabo Waqtigii aan weynay Dowladii Dhexe ee uu Hoggaaminaayay Maxamed Siyaad Barre, Dalka iyo dadka Soomaliyeed waxay soo mareen dhibaatooyin badan oo dhan walba leh, xag Amni, Siyaasadeed,xag Dhaqan iyo Dhaqaaleba. Haddan mid mid usoo qaato. XAGGA AMNIGA: waxaa in ku dhow Rubuc Qarni ku soo jirnay xaalad adag oo ayna jirin cid cid ka Badbaaday,Dil ...

Read More »

M. GHEDI: “Goormaa Dowladnimada Soomaaliya ka bixi doontaa maynis Niynti – 90?!!)‏

Mar kastoo aad is-tiraahdo dowladnimada Soomaaliya toban (10) tillaabo ayey horey  u qaaday, misana waxaad arkeysaa muddo gaaban gudohood iyadoo dowladnimadii Soomaaliya ay qobol (100) tillaabo dib u noqotay (10+  -100=  -90), iyadoo  aan filaayo inay tusaalooyin  ku filnan doonaan  dhacdooyinka soo socda. Dowladaan  rasmiga ah ee uu  hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sh. Mohamoud, markii ay xilka kala wareegeysay dowladii KMG ...

Read More »

Golaha Wasiirada: “Xeradayadu waa wada Ulo, ul la qaatana ma laha”?

Waxaa ka mid ahaa dadkii ku Dhafrey ku Dhawaaqista Golaha Wasiiradda , waana mid ka mid ah Dhacdooyinka Cusub ee ku soo biirey Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya waayo Weligeed ma dhicin in waqti Ummada Soomaaliyeed Hurdaan lagu Dhawaaqo Golahii Wasiirada oo muddo Dheer la sugayey. Nin odey ah oo ka mid ahaa Dadkii Habeenkaa u soo jeedey in uu Dhageysto Magacaabista ...

Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya: “Meeshu waa iska bannaan tahay nin walbow wadaantaada ku tuuro!!”

Shacabka Soomaaliyeed, aqoonyahanada iyo dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa fajac iyo layaab waxaa ku noqotay wixii shalay ka dhacay xarunta Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xilli uu u fariistay inuu cod u qaado in Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid ay ka mid noqdaan Dowladda cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed. Arrimaha sida weyn loola ...

Read More »