Ciyaaraha

Qaraxyadii bambo gacmeed ee habeen hore ka dhacay Muqdisho oo la cambaareeyay + Sawirro

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxyadii bambo gacmeed ee habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna Goluhu ku eedeeyay arrintaasi Ururka Al-Shabaab oo sheegtay inuu isagu ka dambeeyay. “Waa nasiib darro in kooxaha naf la caariga ah ay maanta macin bidaan inay ku faanaan argagixinta shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaan ka soo ...

Read More »

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo taageeray toogashada gacan ku dhiiglihii dilay Weriye Xasan Yuusuf ABsuge

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa taageeray isla markaana ku tilmaamay inay tahay tallaabo horay loo qaaday in qofkii qof dila isna la dilo sida ay qabto Shareecada Islaamka . Bayaanka Golaha ayaa lagu muujiyay sida ay u taageersan yihiin xukun lagu riday gacan ku dhiiglihii dilay Weriye Xasan Yuusuf Absuge oo u shaqeynayay Radio Maanta xilli uu ...

Read More »

Ururka Dhalinyarada ee SYP oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Dood cilmiyeed + Sawirro

Ururka Horumarinta dhalinyarada Soomaaliyed ee SYP ayaa maanta magaalada Muqdisho dood cilmiyeed ku qabatay Dood cilmiyeed looga hadlayay sida Mashaa’iqda Soomaaliyed ay dalka ugu hogaamin lahaayeen fahamka saxda ee Diinta Islaamka. Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiin iyo dhalinyaro, iyadoo ururka uu ka dhawaajiyay in dhalinyarada Soomaaliyed ay yihiin kuwo dhibka geysta, loona geysta, isla markaana lagama maarmaan ...

Read More »

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo cambaareeyay dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho xilli lagu guda jiro bisha Ramadaan

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa cambaareeyay dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana bayaan ay soo saareen salaadii Jimcaha kaddib uga hadleen shareecada Islaamka waxa ay ka qabto in qof Muslim ah dhiigiisa la banneysto ama iyadoo la dilayo ha ahaato ama iyadoo qarax lagu dilayo ha ahaatee. Bayaanka Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa ...

Read More »

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo Umada Soomaaliyed ugu baaqay Midnimo

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyed inay midoobaan, xilli lagu guda jiro maalmaha xoreynta dalka. Bayaan ka soo baxay Culumaa’udiinka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in Umada Soomaaliyed ay midoobaan, isla markaana la yimaadaan towbad keen dhab ah. “Umada Soomaaliyed ee Muslimka waa inay Midnimo iyo isu tanaasul muujiyaan, waxaa muhiim ah in Alle loo ...

Read More »

Kulan lagu cambaareynayay qaraxii Xarunta UNDP oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho + Sawirro

Kulan lagu cambaareynayay qaraxii ka dhacay Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca. Afhayeenka Golaha sare culumaa’udiinka ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow oo ...

Read More »

Golaha sare ee Culmaa’udiinka Ahlusunna oo cambaareyay Al-Shabaab Cunaqabateynta ay weli ku hayaan shacbiga ku dhaqan Gobolada dalka qaarkood

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlusunah Waljamaaca ayaa cambaareyn dusha uga tuuray horjoogayaasha iyo Maliishiyadka uururka Al Shabaab ee weli Cunaqabateynta ku haaya shacbiga Soomaliyeed ee ku dhaqan Goboladda iyo Degmooyinka dalka qaarkood kuwaasi oo ay Shabaabku xooga ku haystaan. Culumaa’udiinka Ahlusunah Waljamaaca oo maanta Salaadi jimcaha kadib Bayaan cad ka soo saaray Cunaqabateyntaasi ayaa si weyn u cambaareyay Falalkasi guracan ...

Read More »

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo taageeray nabadeynta beelo ku dagaalamay Jowhar iyo go’aano laga qaatay kooxda Al-Shabaab

Golaha sare ee Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ay soo saareen waxay uga hadleen xaaladda gobolka Sh/dhexe, iyagoo hoosta ka xariiqay inay soo dhoweynayaan isla markaana taageerayaan nabadeynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay degaano ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe. Culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay in dadaalada nabadeed ee maamulka gobolka Sh/dhexe ka wado uu ku guuleystay ...

Read More »

Golaha Sare ee Culumada Ahlu Sunna oo taageeray howlgalada lagu baarayo guryaha ku yaala xaafadaha Muqdisho

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ay soo saareen waxay si buuxda ugu taageereen howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Bayaanka ka soo baxay Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi ay yihiin kuwo wax weyn ka qaban kara xasiloonida iyo nabadgelyada magaalada Muqdisho isla markaana hoos ...

Read More »

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo ku baaqay in Fadliga bisha Ramadaan dadka masaakiinta loo gargaaro

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bayaan ay soo saareen ugu baaqay shacabka Muslimiinta in bisha barakeysan ee Ramadaan fadligeeda ay isu gurmadaan, waxaana ay ugu baaqeen shacabka inay ka faa’ideystaan kheyrka bisha ay leedahay. Bayaanka Culimada ayaa lagu sheegay in bisha Ramadaan ay tahay bil Raxmad leh, isla markaana bisha la soo dejiyay quraanka, waxaana ay xuseen in laga ...

Read More »

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo cambaareeyay qaraxii isgoyska Km4

Bayaan ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu cambaareeyay qaraxii is miidaamin ee toddobaadkaan ka dhacay isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 11-ruux oo dhammaantood ahaa dad rayid ah. Golaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca waxa uu bayaankiisa ku sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen isla markaana sheegteen kooxaha ...

Read More »

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo taageeray howlgalada lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho iyo gobolada dalka

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ka soo saaray howlgallada lagu xoojinayo ee ka socda caasimada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka oo dhan, isla markaana looga hortegayo falalka qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay damacsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Bayaanka Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in Golahoodu taageersan yahay isla markaana soo ...

Read More »

Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo digniin ka soo saaray dilka ajaanibta ka barbar dagaalanta

Bogga Internetka ee lagu magacaabo Al-jihad ayaa maanta lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay saraakiil sarsare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, saraakiishaas oo kala ah: Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku saabsan weerar dhowaan loo geystay mid ka mid ah ajaanibta ka barbar dagaalama ururka Al-Shabaab. Saraakiisha sarsare ee ka tirsan ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay guulaha siyaasadeed ee ay soo hoysay dowladda Soomaaliya

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay horumarada iyo guulaha siyaasadeed ee ay gaartay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay is bedelada xilligan dalka ka jira mid suura gelinaya in Soomaaliya ay dib cagaheeda ugu istaagto. Bayaan maanta oo jimco ah ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa waxaa lagu taageeray war murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedkii jaamacada ...

Read More »