Ciyaaraha

Siyaarada caalimkii weynaa ee Sheekh C/raxmaan Celi oo ka dhacday degmada Warsheekh + Sawirro

Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay siyaaradii Sheekh C/raxmaan Celi oo ahaa Sheekh dalka iyo caalamka oo dhan si weyn looga yaqaanay, waxaana siyaaradaasi ka soo qeyb galay madax ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe, culumaa’udiin, iyo dadweyne fara badan, kuwaasi oo iyagu ka yimid gobolada dalka qaarkood. Waxaa ka mid ahaa mashaa’iqda ka soo qeyb ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay qaraxyadii Muqdisho + Sawirro

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii arxan darada ahaa ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu halaagay dhalinyaro Soomaaliyeed. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu bartilmaameedsaday maqaayado laga qaxweeyo ay muujinayaan naf la caariga kooxda Shabaab. “Waxaa si aad ah u cambaareyneynaa qaraxyadaas ...

Read More »

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo soo dhoweeyay gobolada cusub ee ciidamada Dowladda la wareegeen

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ka soo saaray howlgallada Bad Weynta ee lagu qabsaday degmooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe, wuxuuna Goluhu ka hadlay ahmiyadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay in degaanadaasi laga xoreeyo maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab oo muddo dheer degaanadaasi ku hayay dhibaatooyin kala duwan. Bayaanka ayaa lagu muujiyay saddex qodob oo muhiim ah oo Golaha ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo soo dhoweeyay dhalinyarada ka soo goosaneysa Al-Shabaab

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay dhalinyarada ka soo goosaneysa Al-Shabaab ee isku soo dhiibeysa dowladda Soomaaliyeed. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in wanaagsan tahay in dhalinyarada la qalday ee u dagaalanta Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, kana faa’ideystaan cafiska ay dowladda u fidisay. “Waxaa soo dhoweyneynaa dhalinyaradii ajiibtay baaqii cafiska ee ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo ugu baaqay dhalinyarada Al-Shabaab inay ka faa’ideystaan cafiska dowladda

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ugu baaqay dhalinyarada la qalday ee u dagaalameysa Al-Shabaab inay ka faa’ideystaan mudada 45-ka cisho ee cafiska dowladda federaalka Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in waqtigii al-Shabaab uu dhamaad yahay, waxaana ay u jeediyeen dhalinyarada in aanay mustaqbalkooda ku sii lumin, kana soo baxaan. “Waxaa ugu baaqeynaa ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay howl galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay howl galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab ee ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaadaan sidii dalka inta ka hartay looga saari lahaa haraadiga Al-Shabaab. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu soo dhoweeyay howl galka loogu magac daray Badweynta Hindiya, waxaana ciidamada xooga dalka ...

Read More »

Degmada Xamar Weyne oo maanta laga furay madarasad dugsi H/Dhexe ah + Sawirro

Munaasabad si heer sara ah loo soo Agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Calumaa’udiin, Aqoonyahaano, waalidiinta Caruurta Madarasada, iyo Shacab weyna aad u fara badan ee degmada Xamar weyne ayaa waxaa lagu Qabtay Xaruunta Madarasada Yuusuf Ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka Ee isla Degmada Xamar weyne. Munaasabadaaan oo halku dhegeedu ahaa in Madarasada Yuusuf lagu soo kordhiyay Qaybo kale oo waxbarashada ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo ugu baaqay dhalinyarada inay cadawgooda gartaan

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay cadawgooda gartaan, kana soo horjeestaan adeegsiga falalka qarbudaada ee ka dhan ah jiritaanka umada Soomaaliyeed. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in dhalinyarada ay dhisaan mustaqbalkooda, kana qeyb qaataan samata bixinta umada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta Nabadgelyada. “Dhalinyarada waa inay dalkooda bad-baadiyaan, oo ay ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay xukunadii dilka ahaa ee ay fulisay Maxkamada CQS

Bayaan ka soo baxay maanta oo Jimco ah Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa lagu soo dhoweeyay xukunadii dilka ahaa ee ay maxkamada ku fulisay dad dilal horay u geystay. Bayaanka ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in fulinta xukunkaas uu ahaa mid si cadaalad u dhacday oo shareecada islaamka waafaqsan. “Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay dil loo geystay Haweeney 50-jir ah

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa si kulul u cambaareeyay dil loogu geystay gobolka Jubada Hoose Haweeney 50-jir ah oo loo dilay qaadashada xijaabka, waxaana ay ku eedeeyeen al-shabaab inay dadka ay nacsiinayaan diinta islaamka. Bayaan ka soo baxay Golaha sare culimada ahlsuna ayaa lagu sheegay in falkaas uu yahay mid aad looga argagixo oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka. ...

Read More »

Nin tooreey la dhacay afar ruux oo ku tukanayay masjid ku yaala magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee gobolka W/galbeed ayaa sheegay in nin ku hubeysan toorey uu ku dhaawacay afar ruux. Lama sheegin sababta ninkani Tooray ula dhacay dadkaasi tukanayey, isla markaana illaa hadda ciidanka amnigu kama hadal, hase ahaatee dadka qaar ayaa sheegayey inuu ninkaasi maskaxda ka xanuunsanayey. Dadkii ku dhaawacmay Toorayda ayaa markiiba loola cararay cisbitaalka guud ee ...

Read More »

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa cambaareeyay weerarkii habeenkii talaadada lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada, iyagoo ku amaanay ciidamada ammaanka sida ay uga hortageen una fashiliyeen weerarkaas. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo dhacay xilli afurkii loo taagnaa aanu raad ku laheyn diinta islaamka. “Waa weerar ka baxsan diinta, iyadoo dadka ay u ...

Read More »

Golaha sare culumaa’duiinka Ahlusuna oo cambaareeyay dilkii Xildhibaanka Baarlamaanka

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka ee shalay lagu dilay magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid waxashnimo. Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa waxaa tacsi loogu diray eheladii iyo dadkii uu ka geeriyooday xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, waxaana loogu baaqay hey’adaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigay dambiilayaashii ...

Read More »

Golaha sare ee Culumada Ahlu Sunna oo cambaareeyay weerarkii Lamu, farriin culusna u diray Soomaalida Kenya degan

Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa bayaan ka soo saaray weerarkii degaanka xeebta Kenya ee Lamu, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 60-qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan. Bayaanka ka soo baxay Golaha Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa shacabka iyo Dowladda Kenya uga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday weerarka fulaynimada ah oo ay sheegteen ...

Read More »