Barnaamjiyada

DHAGEYSO: Warsame Joodax: “Ma aha wax loo dulqaadan karo falka ka dhacay deg. Waaberi”

Guddoomiye K/Xigeenka maamulka G/Banaadir Warsame Joodax ayaa ka hadlay dhacdo laga naxo oo lagu dilay nin gaari dameerle ah oo la dilay xilli uu marayay degmada Waaberi, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen rag ku labisan dareyska ciidamada, isagoona sheegay Guddoomiye K/xigeenka inay lala xisaabtamayaan saraakiisha deg. Waaberi.   (Dhageyso)    

Read More »

Dhageyso Madaxweyne Xasan oo hadalladii ugu kululaa u jeediyay saraakiisha ciidamada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Dowladda u jeediyay khudbadii ugu kululeyd ee uu u jeediyo tan iyo mrkii Madaxweynenimada loo doortay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in askarta Dowladda aysan ku ekaan doonin xukunka maxkamadda balse sidoo kalena maxkamad la soo taagayo sarkaalka hoggaaminaya.   (Dhageyso)    

Read More »

Al-Shabaab oo qiratay inay Baraawe ku dishay laba ka tirsan horjoogayaasheeda (Dhageyso)

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgallo uu sheegay inay ku qaadeen rag iyaga ka tirsanaa oo waday inay kala dhantaalaan midnimada ururka Al-Shabaab. Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo u waramayay warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sheegay in laba horjooge oo ka Al-Shabaab ka tirsanaa la khaarajiyay kaddib markii sida uu sheegay ay isku dayeen inay dagaalamaan. “Anagu ma ...

Read More »

Axmed Daaci oo ka digay hay’adaha iyo ganacsatada shisheeye ee khalkhalka gelinaya nabadgelyada Muqdisho (Dhageyso)

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in hay’ado iyo ganacsato shisheeye ay dhibaato ku hayaan nabadgelyada magaalada Muqdisho, isagoo ka digay in dalka uu ku jiro xaalad khatar ah oo aanay jirin ciidamo Qaran oo awood u leh hanashada nabadgelyada dalka. (Dhageyso)  

Read More »

Dhagayso beesha Sade oo qaadacday shirka maamul u sameynta Juballand ee magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda kulamo lagu xalinaayo  muran ka tagan  qaybsiga  Ergada belaha wax ka daga Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe. Beesha sade oo wax ka dagta  labadaas Gobol ayaa waxaa ku soo aday 20 xubnood  waxaana ay ka biyo diideen in ay  qataan 20 Ergo ayago ku andaconaya in ay xaq u leyihiin tiro intaas ka badan. ...

Read More »