Wararka

Reer galbeedka oo shaki ka muujiyay sharaxaada Sacuudiga ee geerida Khashoggi

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo dowladaha midowga Yurub ayaa shaki ka muujiyay bayaankii ka soo baxay Sacuudiga ee ku saabsanaa geerida Jamal Khashoggi. Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha ...

Read More »

Dowlada Soomaaliya oo uga tacsiyadeeday Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab oo dhawaan ku geeriyoodayt Isbitaal malatari. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha ...

Read More »

Wiil Dhalinyaro Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

wararka aynu ka heleyno degmada xamar jajab ayaa sheegaya in ruux shacab ah lagu dilay degmadaasi. kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa wiil dhalinyaro ku dilay suuqa Ansalooti ee degmada xamar jajab. wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 17 sano jir waxa uu qeyb ka ahaa dadka ku nool degmadaasi. ninka dilay wiilka dhaliyarada ahaa ayaa dilka kadib goobta iskaga baxsaday iyadoo ...

Read More »

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo la horgeeyay hindise sharciyeedka Ganacsiga+Sawirro

Shirka Golaha WWasiirada Maamulka Hirshabelle oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, (20/10/2018)  lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira dhinaca amniga, dhaqaalaha,wax soo saarka, Dib u dhiska iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyo hirgelinta mashriicda Horumarineed ee hadda diyaarka ah. Goluhu waxa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Hirshabeelle oo ...

Read More »

NISA oo Shaacisay inay gacanta ku dhigeen Sargaal ka tirsan Al-shabaab

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Al-Shabaab oo  u qaabilsanaa dhanka sahanka, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada. “Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. ...

Read More »

DEG DEG:Maamulayaal Iskuul oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa ayaaa sheegaya in cawa qeybo ka mid ah lagu dilay Macalimiin maamulayaal ka ahaa  Iskuulka lagu magacaabo  Alfuraat,sida ay dad goobjoogayaal ah ay inoo xaqiijiyen. Macalimiinta la dilay ayaa kala ahaa Maamulha Iskuulka Alfurat iyo ku xigeenkiisa waxaana la shegay in ragii dilka ugeestay ay horay kaga sii qaateen mobel ...

Read More »

Dhageyso:Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray fariisimo ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka Kismaayo

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni,Buulagaduud iyo deegaanka Jammaame oo ka tirsan Jubbada Hoose. Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa ku dhiira geliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka ...

Read More »

Buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan oo Muqdisho laga furay

Safaaradda Sudan ee Somalia ayaa ka furtay magaalada Muqdisho buugga diiwaangelinta Tacsida  Madaxweynihii hore ee dalkaasi General C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) oo ku geeriyooday Isbitaal Mileteri oo ku yaal magaalada Riyad ee Caasimaada Boqortooyada Sacudi Carabiya oo in muddo ah halkaa lagu daweynayay. 1985-tii ilaa 1986-dii ayuu madaxweyne ka ahaa dalka Sudan, isagoo noqday madaxweynihii 5-aad ee soo ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xalay kormeer ku tagay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo amniga caasimadda , isagoo waqtina la qaatay shacabkii halkaasi uu kula kumay xiligaas. Goobaha ay isku yimadaan bulshada muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaaliya kula kulmay qeybo ka mid ah shacabka kuwaa oo ...

Read More »

Dhageyso:Wasiir Goodax oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan. Cabdullaahi Goodax Barre oo Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeyb-galay ayaa sheegay in ...

Read More »

Dhageyso:Qarax laga dhex maqlay Guri ku yaala degmada Deyniile

Wararka inaga soo gaaraya degmada Deyniile ayaa sheegaya  in Qarax xoogan uu ka dhacay guri ku yaala xaafada Raadeerka, sida uu inoo xaqiijiyay goobjooge ku sugan goobta uu  qaraxa ka dhacay. Goobjooge ku sugan xaafada Raadeeerka  oo la hadlay idaacamada Maanta ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Qarax uu ka dhex dhacay guri ku yaala xaafadaasi, waxuuna sheegay in Qaraxa ...

Read More »

Ciidamo Gadoodsan oo xirtay Wadadda gasha Madaxtooyada Maamulka Putland

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka  Nugaal ayaa  sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan ciidamada maamulka Putland ay gabi ahaan xireen wadadda gasha Madaxtooyada Putland, sida ay ku soo waramayaan goobjoogayaal ku sugan Magaalada Garowe. Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa idaacada Maanta ee Magaalada Muqdisho uxaqiijiyay in ciidamada xirtay wadadda gasha ...

Read More »