Wararka

Wasiir Ganacsiga Soomaaliya Oo Ka Qeeyb Galaya Shirka 2-aad Ee Afrika/Turkey Forum

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga. Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya ...

Read More »

R/wasaare Kheyre Oo La Kulmay Dhaxal Sugaha Boqotooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz. Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada ...

Read More »

Ciidamo Boolis Ah Oo Lagu Soodaadiyay Wadooyinka Muqdiso

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu kordhiyay ciidamo cusub oo boolis ah, sida ay Idaacadda maanta ee magaalada Muqdisho u sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya. Xarun walba oo ka tirsan waaxyaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la geeyay ciidamo boolis ah, kuwaasi oo si gaar ah u hawlgala xilliyada habeenkii. Saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxa ay sheegeen ujeedada ciidamadan ...

Read More »

Dhageyso; Muqtaar Rooboow Oo Ugu Baaqay Gudoonka Baarlamaanka Koofur galbeed In Uu Si Deg Deg Ah Ku Soo Magacaabo Gudiga Doorashada Maamulka Koofur Galbeed

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo xilligaan ka mid ah musharixiinta doorashada Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed oo dhawaan ka dhaceysa Magalada Baydhabo ayaa weli waxa uu wadaa olo lihiisa doorashada. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayuu shalay kulan qado ah u sameeyey,waxaana uu walaac ka muujiyay in aan weli la dhisin guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. muqtaar oobow ayaa ...

Read More »

Wasaaradda Kallumeysiga Jubbaland oo qalab Kalluumeysi gaarsiisay Dadka Deegaanka Goob-weyn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Jubbaland  Ibraahim Cabdi Xasan Baajuun oo ay wehliyaan Hawlwadenada Wasaaradda Kallumaysiga ayaa maanta waxa ay gaarsiiyeen dadka kalluumaysatada ee dagan deegaanka goobweyn iyo hareeraheeda agab Kallumaysi oo ay kusoo jillaabtaan Kalluunka. Agabkaani ayaa kamid ahaa tarmuusyada lagu keydiyo barafka, mindiyo iyo sidoo kale Tooshash ay ifsadaan. Tirada agabkaani oo ahaa 160 ...

Read More »

Ciidamo Katirsan Amisom Iyo Kuwa Dowladda Oo Qarax Lagu La Eegtay Degmada Jalalaqsi

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabtuuti lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 35-Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Buula-burde. Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxu uu qeybta hore ka burburiyay gaari gaashaaman oo ay ku xirnaayeen qalabka miinooyinka baara. Dhinaca kale qarax jugtiisa laga maqlay inta ...

Read More »

Masuuliyiinta Galmudug oo laga Mamnuucay in Ku shiraan Magaalada Cadaado!!

Wararka aynu ka heleeyno Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramayaa in  Amar Maanta ka soo baxay Maamulka Magaaladaasi lagu mamnuucay in shirar Siyaasadeed lagu qabto Magaladaas. Guddoomiyaha degmada Cadaado ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Xaaf Cabdi Kariin Maxamed Cilmi ayaa faray qeybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado iyo Hay’adaha amniga in Magalada aan lagu qaban karin shirar Siyaasadeed ...

Read More »

Qarax Qasaare Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo khaasaro geystay kaas oo Goordhow ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in uu geystay. Gaarigaan qarxay oo ahaa nooca raaxada ah ayaa la sheegay in miinada lagu xiray,isla markaana uu lahaa masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan weli la shaacin Magaciisa iyo masuuliyada uu ka haayo. ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud. Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la ...

Read More »

Aqriso:Diyaaradaha kabaxa Muqdisho oo loo Ogolaaday inay ka dagaan Magaalada Nairobi

Wasiirka Duulista iyo hawada Xukumada Fedaraalka ee Soomaaliya Maxmed Cabdullahi Omaar ayaa sheegay in Diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ee usocda dalka keyna ay hada kadib sitoos ah uga dagi karaan garoomada Diyaaradaha ee ku yaalla Magaalada Niarobi ee Caasimada dalka Kenya. Wasiir Omaar ayaa bartiisa Facebook qoral uu soo dhigay waxaa uu ku sheegay in Wasaaradiisa ...

Read More »

Duqa Muqdisho oo Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay dhacadadii 14 October

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso Qaraxii 14-kii Octoober 2017 ka ...

Read More »

Wasiir Dowle Maxamuud Xayir oo Raal-Gelin ka Bixiyay Xaqiraad la sheegay in uu ku sameeyay Lahjada Maayga

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa waxuu raaligalin ka bixiyay hadal dhawaan uu ka hor sheegay Golaha Shacabka oo ay ka caroodeen shacabka ku hadla af Mayga. Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadiray Xidlhibaano gaaraya  156 Xildhibaan, ajandaha kulanka maanta ayaa ah Xisaab xirka dowladda ee 2017, waxaana haaatan soo socota qudbadaha ay jeedinayaan Xildhibaanada. ...

Read More »

Dhageyso:Axmed Xalane”Xiligaan munaasib ma ahan in la soo daabaco lacago Shilin Soomaali ah”

Iyada oo dowladda Fedaraalka  ee Soomaaliya ay wado qorshe ay ku soo daabaceyso lacago shilnka Soomaalika ah taasi oo lagu badalayo tan hada laga isticmaalo gudaha dalka, ayaa waxaa soo baxaya walaac xoogan oo laga qabao lacagtaasi. Axmed Xalane oo ah Qoraa iyo Falanqeye arimaha Siyaadada  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya qorashaha ay hada wadao ee ku aadan sidii ay ...

Read More »