Author Archives: admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Laba qarax oo waa weyn oo isku mar dhacay ayaa laga maqlay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Idaacadda maanta,jugta qaraxyada ayaa lasoo warinayaa in laga maqlay Xaafadaha Magaalada Sida wararka aan helnay ay sheegayaan Labada qarax ayaa mid waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka ...

Read More »

Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah

Golaha shacabka ayaa maanta akhrinta 1-aad marsiiyey hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo ay golaha u soo gudbisay wasaardda Haweenka iyo xuquuqul insaanka. Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ,waxa ay mudanayaashagolaha Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah, waxaana Xildhibaanada sharcigan muhiimada uu leeyahay ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo gudbineysa codsigeeda kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib ugu dhisnno.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo ...

Read More »

Taabid Cabdi Maxamed Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Garoonka diyaaradaha Muqdisho si wayn loogu soo dhaweeyay. Taabit ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa soo gaaray Muqdisho, iyadoo maalinta berri ah ay ku asteesan tahay sanad guuradii koowaad xasuuqii shacabka lagu laayay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ...

Read More »

Aqriso:Madaxweyne Waare”Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada looma dhisin in wax lagu Mucaarado’

War Saxaafadeed oo maanta soo saaray Madaxweynaha Maamulk Goboleedka Hirshabee;lle Maxamed Cabdi waare ayaa looga hadlay shirar ay maalmihii aynu ka soo gudubnay ku yeelanayeen Magaalada Nairobi ay caasimada Dalka Kenya. Waare ayaa eedeyn ujeeediyay Golaha Iskaashiga Dowlada Goboleedyada ee uu qeybta yahay Maamulkiisa, waxaa uuna sheegay in Golaha Iskaashida dowlada Goboleedyada loo dhisin in wax lagu mucaarado ee ujeedka ...

Read More »

Dhageyso:Siyaasi Muqtaar”Dowlada sidii looga baahna ugama aysan falcelin Qaraxii 14 October

iyaada oo maalin qura ay naga xigto dhacdadii murugada laheed ee isgooyska soobe ka dhacday 14 octoobar sanadkii tagay ee 2017kii  ayaa waxaa isi sootaray dhaleeceeynta loo jeydinayo dowladda soomaaliya ee ku aadan sidii ay ugfa fal celisay dhacdadaasi.   Dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay Wax ka qabasho la’aanta raggii ka danbeeyay falkii dhaxdinta lahaa ee saameeynta ku yeeshay 1890 qof, ...

Read More »

Wafdi ka Socda Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qadar ayaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray, iyagoo hadda kulumo la leh Madax ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulunka Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga ka socda Dalka Qatar ayaa la sheegay in looga wada hadlayo kaalinta Dowladda Qatar ay ka geysan karto dib ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta Dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka ee magalaada Muqdisho kaasi oo lagu wado dib udayactir lagu Sameeyo. Madaxweyne Faramaajo iyo Ra’isul Waare ku xigeenka dalka, wasiiro ka tirsan Xukumada, Xildhibaano ka tirsan labada Golke ee Baarlamaanka iyo  abwaano ayaa ka qeyb galay munaasbaada lagu dhagax dhigayay Tiyaatarka Qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka ...

Read More »

Askar ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo Xukun lagu riday

Laba iyo toban (12) askari oo soo  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan. Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ...

Read More »

Gobollada Bari iyo Sanaag oo ay toos ugu wajahan tahay Duufanta Luban(Aqriso)

Duufaanta Luban ee ka soo kicitintay badda carbeed ayaa la filayaa ina Maanta ay soo gaarto deegaano ka tirsan Maamulada Somaliland iyo Putland. Dadka ku sugan deeganada dhaca Xeebaha ee Maamulada Somaliland iyo Putland ayaa waxaa ay ka cabsi qabaan inay sameny ku yeelato Duufaantan ku soo wajahan, wxaana xalay deegano ka trirsan Gobolka Bari ka da’ay roobab xoogan oo ...

Read More »

Aqriso:Mareykanka oo Safiir Cusub usoo Magacaabay Soomaaliya

Dadka garanaya ee la soo shaqeeyeyna waxay sheegaan inuu yahay nin qunyar socod ah, musuqmaasuqa aad u neceb, Xuquuqda aadanaha in lagu xad gudbana aan jecleen, Saxaafadda in la caburiyana aad u neceb. Maxaa tahay sababata Yamamato loogu magacaabay Danjiraha Soomaaliya? Danjire Donald Yamamato oo loo magacaabay Danjirha Somaaliya magacaabiddiisa waxaa loo sababeeyey arrimaha dhawr ah: Loollanka siyaasadeed ee Soomaaliya ...

Read More »

Diyaarad ganacsi ee ugu horreysay oo sameysa duullimaad aan hakad lahayn oo gaartay magaalada New York ee dalka Mareykanka

Diyaaradda ganacsiga ee ugu horreysay oo sameysa duullimaad aan hakad lahayn oo ka soo duushay dalka Singapore ayaa waxay ka degtay magaalada New York, iyada oo jartay masaafo dhan 15,000 oo kiilo mitir waxayna ku qaadatay 17 saacadood iyo 52 daqiiqo. Shirkadda diyaaradaha Singapore oo dib u billaawday duullimaadkeeda 5 sana kaddib iyada oo duullimaadyada dhaadheer horay u joojisay iyada ...

Read More »