Author Archives: admin

Gudoomiyaha Degmada Balcad oo la sheegay in uu dad shacab ku dilay Deegaanka Geed faqay (DHAGEEYSO)

Ciidamo uu watay gudoomiyaha Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha dhexe Qaasim Furdug ayaa weerar ku qaaday deegaanada Xaanshooleey iyo Geed faqay ee hoostaga degmdaasi balcad,waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro kala duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaan weerarka lagu qaaday deegaanadaani ayaa yimid ka dib markii Gudoomiyaha degmada balcad uu deegaankaasi oo ah dhul ...

Read More »

Nabadoon Dacar Xersi Nuur oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka Hir shabeelle

Nabadoon Dacar Xersi Nuur oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka Hir shabeele Cali C/Laahi Xuseen Guud laawe  in uu Mas’uul ka yahay dhibaatada Maamul ee ka jira gobolka Hiiraan waxa uuna sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay Ogtahay in Cali Guudlaawe siyaasad khalfsan uu ku wado gobolka Hiiraan islamarkaana Madaxweynaha Hir shabeele uusan ...

Read More »

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Oo cod sadey in la xaliyo khilaafka Dowlada maamulka gobaleedyada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay khilaafka sii daba dheeraaday ee ka dhex jira madaxda dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah. Waxa uu tilmaamay in labada dhinacba ay masuuliyada weyn ka saaran tahay ilaalinta sharuucda dalka u degsan sidoo kalena wuxuu xusay in dowladda dhexe laga doonayay inay tanaasul u muujinin ...

Read More »

xasan shiiq Oo Kuwajahan maanta kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee NABADDA & HORUMARKA xasan shiiq maxamuud xasan shiiq ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo, oo ay hadda ka socoto qabanqaabada soo dhaweyntiisa, waxaana la adkeeyey ammaanka guud ee magaalada kismaayo boqolaal qof ayaana Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaana kusugan garoonka diyaaradaha ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka ku sii jeeda Talyaaniga

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga, waxaana la filayaa in marka uu gaaro Rome uu la kulmo madaxda dalkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda ...

Read More »

warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Jubada Dhexe

Wararka ka imanaya  gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen degmada Jilib, halkaasi oo ay maamusho xakarada Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in weerarka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay burburiyeen xarun lahayd idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Andulus. Saraakiil ka tirsan ...

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan wax ku ool ah la yeeshay Dhiggiisa Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Danjirad Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhoweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada ...

Read More »

Yeysan dantiisu ku jirin isu soo dhawaanshaha geeska Afrika?

Beryahan waxaa aad loo hadal hayey isu soo dhawaanshaha madaxda gobolka geeska Afrika, iyo suurtogalnimada in hal hogaan ay yeeshaan mustaqbalka dalalka gobolka. Waxaan hore wax uga qornay sida ay macquul u tahay. Qormadanna waxaan ku eegaynaa dhinacyada “aysan dantu ugu jirin” in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay hal hogaan yeeshaan. Jabuuti Dhinac marka laga eego siyaasadda hadda socota ...

Read More »

Dagaal dib uga qarxay magaalada Mooyaale

Dagaal ayaa mar kale saaka ka qarxay magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayao. Dad goob joogayaal  ah ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawacyaba ay jiraa, isla markaasna labada dhinacba ay dab qabadsiiyeen guryo iyo xafiisyo. Dad badan oo shacab ah ayaa isaga firxaday guryahooda. Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka. ...

Read More »

13 sano jir feeryahan ah oo u dhintay feer lagu dhuftay

Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feerka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand. Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 ...

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo casho sharaf u sameeyay xulka qaranka Soomaaliyeed+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa casho sharaf u sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed oo iskudayaysa inay sameeyaan taariikh cusub, muujiyaanna awooddooda si ay ugu soo baxaan isreeb-reebka cayaaraha olombikada. Fiidnimadii xalay ayaa hotel ku yaala Addis Ababa lagu qabtay casha sharafeedka oo ay ka soo qeybgaleen cayaartoyda iyo tababarahooda. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ...

Read More »

Dambiyada naceybka ku salaysan oo sii kordhaya dalka Mareykanka

Dambiyada naceybka ku salaysan ayaa sare u kacay dalka Mareykanka sida ku cad warbixin cusub oo la soo saary. Dambiyada naceybka ayaa sare u kacay boqolkiiba 17% sanddii 2017,dalkaasi. Waa sanadkii sadaxaad oo ay sare u sii socdaan dambiyada naceybka ku salaysan ,gaar ahaan weerarada naceybka la xiriira sida ay sheegtay hay’adda dambi barista Mareykanka ee FBI. Laamaha ammaanka ayaa ...

Read More »

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay George Conway howlaha horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya+Sawiro

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay shalay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya(UNDP) , Mudane George Conway, waxa uu kala hadlay howlaha gargaarka iyo horumarinta ee Qaramada Midoobey ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa carabka ku adkeeyay laga maarmaanshaha in ...

Read More »